Siyaasiga Mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigay Hantidii uga burburtay weerarkii hay’adda NISA ay ku qaaday sanadkii 2017-kii.
Weerarkaa ayuu sheegay in ciidamadii soo weeraray ay ka qaateen Dukumiimtiyo muhiim ah,Lacag kaash ah iyo Hanti kale oo ma guurta ah,isaga oo tilmaamay macluumaadkaan in ay la wadaageen hay’adda Nisa.
Hadalka C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa kusoo aadaya sacado kadib markii Waaiirka cadaaladda loo magacaabay Taliye ku xigeenkii xilligaas,oo kasoo muuqday wasiirada Cuaub ee ra’iisul Wasaare Rooble.
Warsame ayaa sheegtay in ay ka maqan tahay Hantida hoose, isagoo dhawaan sheegay in ku dhawaad 400-kun oo dollar Hanti kuqiimeysan laga dhacay.
1. Gaadhi aan xabbadu karin oo ah $85,000.
2. Apple Mac Computer
3. Galaxy Mobile
4. 3 Suud, 4 Surwaal, 7 Shaati
5. Hugo Boss Perfume [Cadar].
6. Hard Disk
7. Laptop Surface pro 4
8. Iphone 6+
9. Galaxy 9
10. $35,000 (lacag cadaan ah)
11. British Passport
12. Apple Disktop
13. 2 Ookiyaal
Halkaa Ka Daawo Muuqaalkaalka