Waxaa magaalada Muqdisho maanta oo Talaada ah lagu aasay magaalada Muqdisho Allaha unaxariistee Fanaanad Saynab Xaaji Cali Baxsan oo gelinkii dambe ee shalay ku geeriyootay magaalada Muqdisho.
Eheladda Marxuumka ayaa sheegay in ay waayeen maanta meel ay marsiiyaan Meydka xilli ay aas u diyaar garoobeen,iyaga oo tilmaamay in aysan helin Marxuum Baxsan maamuuskii ay laheyd.
Waxa ay sheegeen in ay jireen masuuliyiin lasoo xiriiray islamarkaana ay is bed-bedelayeen,taas oo kasii darreed in ay meel ay marsiiyaan ay waayeen,waxaana ay cadeeyeen in ay diyaar u ahaayeen in ay ku aastaan magaalada Hargeysa laakiin ay dowladdu habsaamisay.
Halkaan Ka Daawo Muuqaalka Ehelada