Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda fedraalka Soomaaliya Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu weynaynayay dhalashada xuska Nebigeena Muxamed NNKH.
Wasiirka ayaa ka hadlay gefka iyo Aflagaadada Diinta Islaamka iyo Nebiga taas oo uu ku kacay Madaxweynaha Faransiiska,isaga oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin.
Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Cumar Cali Rooble”cid kasta oo isku dayda inay nabi Muxamed wax u dhibto waxba kama dhibi karto” ayuu hadalkiisa ku yiri.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda munaasabado lagu weynaynayo xuska dhalashada Nebiga oo si habsami leh uga socota guud ahan caalamka Islaamka.
Halkaan Ka Daawo Muuqaalka