Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho,kaas oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid Miino islamarkaana uu ka dhacay Waddo ku taalla deegaanka Shiinka-dheer ee ku yaalla duleedka Muqdisho,iyada warar kala duwana ay ka soo baxayaan.
Sida lagu qoray Bogga taageera Alshabaab waxaa lagu syheegay in qaraxaasi ay ku di8leen Guddoomiye ku-xigeenkii deegaanka Shinka-dheer,waxaana magaciisa ay ku sheegeen Cali Xuseen masuulka la dilay.
Alshabaab ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen Alshabaab in qaraxa uu ahaa mid Gaariga guddoomiyaha ku xirnaa,islamarkaana lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Siinka-dheer.