Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Wasiirada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee ka soo jeeda Hirshabeelle iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladda Hirshabelle iyo Doorashada dalka.
Madaxweynaha Wasiirada uu la kulmay ayaa kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Dalka mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Wasiirka Boostada iyo Isgaareiinta Axmed Cabdi Canshuur, Wasiir ku Xigeenka Gaadiida Badda Cismaan Cabdi Daalo, waxaana ay iska xog wareysteen Madaxweynaha Iyo Wasiiradaas Xaaladda Siyaasadeed, Midda amni, iyo Tan Bulsho ee Hirshabelle, iyo Horumarinta Guud ahaan Deegaannada State-ka.
Sidoo kale Kulanka waxaa Madaxweyne Waare Ku Wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Cabdi Xuseen Geedi, iyo Wasiirada Madaxtooyada, Amniga, iyo Dib u Heshiisiinta Hirshabelle.