Warar la helayo ayaa sheegaya in Saakay Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya six un ay ula dhaqmeen Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo u socday howlihiisa Shaqo.
Maareeyaha Garoonka Aadan Caddev ee magaalada Muqdisho Cabdi Ashkir ayaa la sheegay in cidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku joojiyeen Isgooyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho,islamarkaana u sheegeen in aan halkaan laga gudbi Karin.
Maareeyaha ayaa la sheegay in uu Aqoonsigiisa u dhiibay Darawalkiisa islamarkaana u sheegay in ay u socdaan Garoonka,hase’ahatee lagu wargeliyay in Jidku xiranyahay laguna amray in aysan qofna deyn.
Sida aan xogta ku helnay Maareeyaha ayaa ka soo degay Gaarigiisa waxaana uu la hadlay Taliyaha xukuma Cidiamadaas isaga oo u sheegay in uu yahay Maareeyaha Garoonka,waxaana la sheegay in uu ugu Jawaabay ma shaqeeyo Aqoonsi kumana aqaan ee dib u laabo.
Intaas kadib Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde Cabdi Ashkir ayaa la sheegay in uu la xiriiray Taliyaha Booliiska Soomaaliya islamarkaana ku war-geliyay xaaladda heysata,iyada oo lagu amray ciidamadii celinayay in ay sii daayaan sidaasna uu uga gudbay Koon-taroolkaas.
Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa manta kacsan waxaana la sheegayaa in xitaa Masuuliyiinta loo sheegayo in aysan mari Karin goobaha xiran ID-na uusan shaqeyneyn kaliyana ay fulinayaan amarkii la soo siiyay.