Sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Shabakadda wararka Ceeldheer.com Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u yeertay Saraakiishii loo xil-saaray sugidda amniga Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha dalka 2021.
Maalin kadib markii musharaxiintu ay magacaabeen Taliyaha dhinaca amniga u qaabilsan waxaa la sheegay in Generaal Indha-Cadde oo hoggaan u ah amniga Musharaxiinta in uu raadiyay kulana iskugu yeeray saraakiil ka tirsan ciidamada Millatariga islamarkaana uu ka dalbaday in ay la sugaan amniga Musharaxiinta.
General Indha Cadde oo si weyn u kala yaqaan Saraakiisha iyo tirade ciidamada iyo Gaadiidka ay heystaan waxaa la sheegay in durbadiiba uu la kulamay Saraakiil uu ka mid yahay Generaal Koronto,Qaafoow iyo Saraakiil kale islamarkaana uu ku wargeliyay qorshihiisa.
Saraakiishaas ayaa u sheegay Indha-Cadde in ay diyaar yihiin hase’ahate ilo ku dhow ayaa sheegay in aysan qaadan go’aan sax ah si ay Awoodooda ugu biiriyan Musharaxiinta,kaliyana waxa ay ku soo koobeen in ay la shaqeyanayaan.
Dhowr Cisho kadib waxaa la sheegay in kulankaas ay ka war heshay Madaxtooyada Soomaaliya waxaana iskugu yeeray kulan,iyada oo loo sheegay in yihiin Saraakiil Ciidan oo heysta Darajoojin muhiim ah,islamarkaana aysan u habooneyn tallaabooyinka ay wadaan iyo dhinac aan aheyn dowladda ay la saftaan.
Mid ka mid ah Saraakiisha aan la hadalnay ayaa sheegay in aad loogu soo cel-ceiyay ma ogtihiin in aad heysataan Darajooyin muhiim ah,oo helitaankooda dhib badan aad u soo marten,hadalkaas oo uu sheegay in uu ula muuqday hanjabaad iyo mid loogu goodinayo in waayi doonaan Darajoojinkooda in kasta oo uu sheegay in aan si cad loo dhihin.
Sarkaal aan qarinay Magaciisa ayaan weydiinay mar hadii xaalku sidaas yahay maxaad sameyneysaan waxaana uu ku Jawaabay “Aniga hadii la ii sheego Lacag waan la shaqeynayaan raggaas Musharaxiinta oo aan heshiis kala qoraneyno”
Midowga Musharaxiinta ayaa dhawaan waxa ay ku dhawaaqeen Taliyaha qaabilsan amnigooda,islamarkaana u magacaabay Generaal Indha Cadde,isaga oo Warbaaahinta sicad uga sheegay in uu difaaci doono,wax kasta oo ay ku qaadatana uu sugayo amniga Musharaxiinta.