• Front
  • Home
Friday, April 23, 2021
CEELDHEER
Advertisement
  • Home
  • Wararka
  • TOP NEWSHOT
  • News
  • Caalamka
  • XulashadaXUL
  • Fikradaha
  • MuuqaalVIDEO
No Result
View All Result
  • Home
  • Wararka
  • TOP NEWSHOT
  • News
  • Caalamka
  • XulashadaXUL
  • Fikradaha
  • MuuqaalVIDEO
No Result
View All Result
CEELDHEER.NET
No Result
View All Result

XOG:- Xilka qaadista Duqa Muqdisho oo diyaarsan iyo Shakhsiga bedelaya oo la ogaaday

November 17, 2020
Reading Time: 3min read
XOG:- Xilka qaadista Duqa Muqdisho oo diyaarsan iyo Shakhsiga bedelaya oo la ogaaday
Share on FacebookShare on TwitterWhatsappPinterest

Dhowrkii Maalin ee la soo dhaafay waxaa si aad ah loo hadal haayay xilka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” ka dib markii Villa Somalia ay ka shakisay Howlahiisa taas oo ka dheehday u janjeer la’aanta Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Xilka ka qaadista Gudoomiye Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” waxaa dadajineeysa Khilaaf hoose oo kala dhexeeya Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukumadda Mahdi Maxamed Guulleed oo lagu Tilmaamo Furaha Madaxweyne Farmaajo.

Maalin ka hor ayaa Xafiiska Mahdi Maxamed Guulleed waxaa uu faafiyay Sawirka shaqsi loo badinaayo in lagu bedelo “Cumar Finish” kaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi Shiikh Xassan si aad ahna ula dhacsan siyaasada Villa Somalia laguna tilmaamo Sahmiyaha Farmaajo ee Beeshiisa Hawiye.

Cabdullaahi Shiikh Xassan oo Gudoomiye ka ah Xisbi ayaa mar walba oo ay hadlaan Xassan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu ahaa shaqsi u jawaabo Maadaama ay reer ahaan is-xigaan,tani ayaana u fududeeyn karta in Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir loo magacaabo sababtoo ah Villa Somalia waxaa uu ugu suntan yahay difaaca Astaanta Qaranka oo ay u yaqaanan Madaxweyne Farmaajo.

Geesta kale hadii aan eegno Waxyaabaha dhaliyay Shaki in laga qaado Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” waxaa ka mid ah Safar Mudo Todobaadyo ah qaatay oo uu ku joogay Dalka Turkiga ayaa lasoo wariyay in uu si hoose ula kulmay xubno Mucaarad ah islamarkaana ay ka wada-hadleen sidii Farmaajo loola dagaalami lahaa.

Arrintaan oo si hoose xogteeda loogu dusiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa ay ku qasbeeysaa in uu ka hortago Wabiga dhanka Cumar Finish uga soo furmi karo,waxaana sidoo kale saaxiibadu kala talinayaan in uu ka taqaluso.

Hadaba si marmarsiiyo loogu helo xil ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” Waxaa isbedel lagu sameeyay dhammaan Mas’uuliyiintii ka hoos shaqeeyneeysay,dad badan ayaa aaminsan in arrintaan ay tahay wada-xaarasho ama dariiq lagusoo maraayo xilka ka xayuubintiisa iyadoo loo nisbeeyn doono Isbedel Maamul.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” ayeey dadbadan aaminsan yihiin in uusan ahayn shaqsi jilcan oo loo meeriyo waxyaabaha uu sameeynaayo sidoo kale waxaa uu iska diiday dhowr dalab oo hore kuwaasi oo lagula dagaalami lahaa siyaasiin Mucaarad ah oo ku heeyb ah,tanina waxaa ay sii quus gelineeysaa Farmaajo oo ka aamin baxsan haatan.

Villa Somalia waxaa ay si aad ah uga fikireeysaa hadii meesha laga saaro Cumar Finish Maxaa culeeys ah oo imaanaya Maadaama waqti kala guur ah lagu jiro oo ay adag tahay in Shaqsiga la soo magacaabo uu durba ku saldhigto,Hase’yeeshee Xubno ku dhaw dhaw Madaxweynaha oo ay u cadahay in Cumar Caqabad yahay ayaa ka dhaa-dhicinaayo Farmaajo inaan lagala kulmi kareen wax culeeys ah.

Hadii aan dib ugu laabano Cabdullaahi Shiikh Xassan waa Kuma Waxaa uu mar Wasiir kasoo noqday Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa magacaabay,sidoo kale tan iyo sanadkii 2011 waxaa uu sheegtaa in uu yahay Gudoomiye xisbi Mucaarad ayuu soo ahaa, ka hor Dowladda Madaxweyne Farmaajo oo uu noqday mid jeeb ku jir ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo sheegay in si aad ah loogu tiriyo Xoogaga Waddaniyiinta kuwaas oo Villa Somalia garab iyo gaashaanba u ah,malahan han siyaasadeed buuran waxaana uu jecel yahay in uu mar walba Warbaahinta kasoo muuqdo asig oo wax mucaaradaaya.

Dowladdii Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa mar weerartay Gurigiisa oo ku yaalla Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ka dib Eedo aan sal lahayn oo uu jeediyay intaasi ka dib Odayaasha Mudulood ayaa kala dhex-galay wallow uu dib heshiiskii ugu baxay Cabdullaahi.

Dadka sida aadka ah u yaqaan ayaa waxaa ay ku tilmaameen in uu Farmaajo aad u anfacaayo waqtigaan maadaama uu yahay nin aan tolkiisa jecleeyn sidoo kalana aan lahayn Hami siyaasadeed oo fog, taas oo ah Xulashooyinka Shaqsiga xilka loo dhiibaayo ee Madaxweyne Farmaajo.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu noqday tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Farmaajo mid sanad ka diba isbedel lagu sameeyo,waxaana u wacan in Madaxtooyadu u aragto Tiirka cuskan tahay, Isku soo wada-duub hadii Cumar Finish Xilka laga qaado oo Villa Somalia ku guuleeysato Shaqsiga la soo magacaabi doono garab siyaasadeed maka heli doontaa.

Like this:

Like Loading...
ShareTweetSendPin
Previous Post

Guddoomiye ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Muqdisho oo qaaday dalka Dibaddiisa

Next Post

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/hoose oo xilka loo dhaariyay

Related Posts

DEG DEG: Midowga Afrika oo si xooggan u cambaareeyey muddo kororsiga DF, soona saaray go’aano culus
Wararka

DEG DEG: Midowga Afrika oo si xooggan u cambaareeyey muddo kororsiga DF, soona saaray go’aano culus

April 22, 2021
Madaxweynihii Chad oo berrito la aasi doono iyo Madaxweynayaal ka qeyb geli doona Aaskiisa
Wararka

Madaxweynihii Chad oo berrito la aasi doono iyo Madaxweynayaal ka qeyb geli doona Aaskiisa

April 22, 2021
Ra”iisul Wasaare Rooble oo farriin u diray Haweenka Soomaaliyeed oo maanta..
Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wasaaradda Amniga oo war culus ka soo saartay Shaqaaqadii Garoonka Aadan Cadde

April 22, 2021
Dowladda Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Kenya iyo Jabuuti
News

Dowladda Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Kenya iyo Jabuuti

April 22, 2021
Somaliland oo qodobbo kasoo saartay adkaynta Nabadgelyada iyo Arrimaha Geeska Afrika
News

Somaliland oo qodobbo kasoo saartay adkaynta Nabadgelyada iyo Arrimaha Geeska Afrika

April 22, 2021
Deni oo Guddoomiye Cusub u magacaabay Gobolka Sool
News

Deni oo Guddoomiye Cusub u magacaabay Gobolka Sool

April 22, 2021
Next Post
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/hoose oo xilka loo dhaariyay

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/hoose oo xilka loo dhaariyay

XOG:- Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo bedelay go’aankoodii Hirshabeelle iyo Musharax laga soo qaaday Jowhar

Dhageyso:- Sir uu qarinayay Fahad Yaasiin oo la fashilay iyo Farmaajo oo la shegay in uu haayo Wadadii Siyaad Barre

DEG DEG:- Rasaas culus oo ka socota Garoon ku yaalla Magaalada Hargeysa

DEG DEG:- Qaraxyo waaweyn oo laba ah oo goordhow ka dhacay Magaaladda Baydhaba

  • Home
  • Wararka
  • TOP NEWS
  • News
  • Caalamka
  • Xulashada
  • Fikradaha
  • Muuqaal

© 2020 Ceeldheer News | All rights reserved

No Result
View All Result
  • Home
  • Wararka
  • TOP NEWS
  • News
  • Caalamka
  • Xulashada
  • Fikradaha
  • Muuqaal

© 2020 Ceeldheer News | All rights reserved

%d bloggers like this: